Webbplatsen använder teknik som troligen inte stöds av din webbläsare som exempelvis Internet Explorer 11. Vissa saker kan se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.

Gå direkt till huvudinnehållet

Qoraalka bukaanku (Din journal)

Markaa aad noqoto bukaan socod waxaa dhamaan daryeelada caafimaad ee lagu fidiyey lagu qoraal qoraalka bukaanka (patientjournal). Qoraalka bukaanku waa qoraal lagu faahfaahinayo daryeelka iyo daaweynta aad heshey. Waxaaa tusaale ahaan qoraalka lagaa qorey ka koobnaan karaa taariikhda jirooyinkaaga, natiijayoonka baadhitaanada lagugu sameeyey iyo daawooyinka aad qaadato. Waxaa aad xaq u leedahay in aad qayb ka qaadato waxyaabaha ku qoran qoraalkaas.

Waxaa uu qoraalka bukaanku (patientjournal) ku jiraa bogga internetka

Haddii aad ku gasho lambarkaaga qarsoon bogga 1177 adeega elektarooniga ee Vårdguiden waxaa aad akhrisan kartaa dhamaan macluumaadka ku qoran qoraalkaas ee laga qorey daryeelkaaga caafimaad laga soo bilaabo 1-da bisha nofambar 2016-ka.

Waxaa aad koobiga qoraalka bukaanka ka dalban kartaa 1177 adeega elektarooniga ee Vårdguiden.

Qaar ka mid ah qaybaha daryeelka caafimaadku waxaa ay bixiyaan adeeg kuu suurto galinaya in aad dalban karto koobiga qoraalka bukaanka (patientjournalen) adiga oo adeegsanaya adeega elektarooniga 1177 ee Vårdguiden. Raadi rugta aad ka tirsantahay. Meesha ka hooseysa adeega elektarooniga ee 1177 Vårdguiden waxaad riixi kartaa Dalbo koobiga qoraalka bukaanka (Patientjournalen). Haddii aanad arki karin linkiga, markaa waxaa taas ay macnaheedu tahay in rugta aad ka tirsantahay ayna kugu marti qaadi karin in aad sidan oo kale u dalbato koobiga qoraalkaaga (Patientjournalen). Waxaa aad markaa u dalban kartaa siyaabahan kale oo aan hoos ku sharxi doono.

Waxaa dalban kartaa adiga oo isticmaalaya foom la buuxinayo, in aadbooqato ama telefoon u dirto

Waxaa aad sidoo kale u dalban kartaa koobiga qoraalkaaga adiga oo buuxinaya foom gaar ah isla markaana u diraya rugta aad ka tirsantahay ee aad ka dalbaneyso in ay kuu soo diraan koobiga qoraalkaada. Waa la wici karaa xitaa ama waxaa aad sameyn kartaa dalabkaaga adiga oo booqanaya rugta aad ka tirsantahay.

Senast uppdaterad: 2017-11-09 15:40