Waa maxay jadeecadu?

Jadeecadu waa cudur aad loo kala qaadi karo, waa cudur uu sababo fayrus, kaas oo aan caadi ku aheyn Iswiidhen balse aad caadi ugu ah wadamada kale. Sababta cudurka jadeecadu uusan caadi ugu aheyn Iswiidhen waa maadaama intooda badan dadka da’da yar iyo kuwa da’da meel dhexaad laga talaaley cudurka jadeecada, halka dadka gaboobey uu hore ugu soo dhacey cudurk markii ay carruurta ahaayeen sidaa awadeena uusan mar labaad ku dhici karin.

Marka la qaado fayruska jadeecada waxaa ay qadataa qiyaastii 7-18 maalmood ka hor inta la xanuunsan (muddada soo shaac bixida).

Calaamadaha u gaarka ah ee lagu garto bilowga waa xumad/qandho, indho cuncun iyo in laga cabsado iftiinka, qufac qalalan, madax xanuun iyo finan ka soo baxa afka. Qiyaastii 3-4 maalmood ka dib ay finaku ka soo baxaan wajiga- markaa ka dibna waxaa ay ku sii fidaan caloosha, gacmaha iyo lugaha. Waxaa caadi ah in ay jiraan xanuuno kale oo la socda sida dhago xanuun, caabuqa snaqada iyo sambabada. Waxaa kale oo yimaada mar-mar dhif ah infakshan aad u daran. Halista ah in lakala qaado ama la is qabadsiiyo waxaa ay ugu sareysaa ka hor inta aysan finanku ka soo bixin jidhka. Marka finanku ka soo baxaan jidhka dhawr maalmood ka dib aad bey u hooseysaa halista ah in la kala qaado ama la is qabadsiiyo cudurrka jadeecada. Ma jrto haba yaraatee dawo lagag bogsan karo, laakiin waxaa jira kaliya daawooyin kaalmaatiko ah (sida kuwo jabiya xumada/qandhada, yareeya qufaca, goojo snaka lagu dhibciyo).

Talaalka iyo difaaca jidhka: Qofka kuma dhici karo cudurka jadeecadu waxhal mar badan

Wixii ka danbeeyey 1981-kii waxaa la siiyaa dhamaan dadka degen Iswiidhan oo dhan talaal lid ku ah cudurka jadeecada: mid waxaa la siiyaa marka uu ilmuhu jiro 18 bilood iyo mid labaad oo la siiyo marka uu ilmuhu jiro qaiyaastii 6–12 sanno. Haddii qofka helo ama la siiyo labadaa talaal waxa uu qofka jidhkiisu awood u yeeshaa in uu iska difaaci cudurka, waa sidaas oo kale haddii cudurka jadeecadu kugu dhacey mar hore, lama qaadi karo ama laguguma daaran/qabadsiin karo. Marxaladahaas oo kale looma baahna in la qaado wax dhiig si loo ogaado in jidhku leey-ahay difaaci iyo in kale.

Shaqsiyaadka dhashey wixii ka horeey 1960-kii sida caadiga horey buu ugu dhacey cudurka ja-deecadi sidaa darteed waxaa uu jidhkoodu leeyahay awood difaac. Shaqsiyaadka dhashey sa-nadihii u dhexeeyey 1960-kii iyo 1980-kii wxuu jidhkodu leeyahay awood difaac oo farqi u dhexeeyo, qaarkood waxaa la siiyey hal talaal oo kaliya sidaa datreed wuxuu jidhkoodu leeyahay awood difaac oo wanaagsan, laakiin waxaa jira shaqsiyaad aan gabi ahaanba uusan jidhkoodu lahay awood difaac oo cudurka jadeecada ku wajaha.

Waxaan leeyahay uur, sidee baan yeelayaa?

La iskama talaali karo cudurka jadaeecada marka uur la leeyahay: Maadaama uu talaalku ka koobanyahay fayruuska sababa cudurka oo nool laakiin la diciifiyey. Fadlan soo ogow marka hore in lagaa talaaley ama uu hore kuugu dhacey cudurka jadeecadu! Haddii aanad hubin ta-laabada ugu haboon waa in aad iska ilaaliso meelaha dadka badan ku kulmaan, sida tusaale ahaan qolka sugitaanka ee rugta daryeelak caafimaadka, gaadiidka daweynaha ama suuqyada wax laga iibsado. Marxaladaha qaarkood oo dhif ah waxaa suuro gal ah in ay jirto sabab loo qaado dhiig si loo baadho in jidhkaagu leeyahay difaac iyo in kale.

Lamaanahaaga iyo dadka kale ee kuu dhow waxaa haboon in ay iska talaalaan cudurka ja-deecada hadii uu shaki kaga jiro in ay hore isku talaaleen ama cudarka jadeecadu hore ugu dhacay, waxaa ay aadi karaan si isku talaalaan rugta daryeelak caafimaadka ama xarumaha u gaarka ah talaalka. Haddii dadka ku xeersan qofka uurka leh ay intooda iska talaalaan cudrka jadeecada waxaa yaraan doonta halista ah in cudurku fido.

Senast uppdaterad: 2018-01-15 09:02