Webbplatsen använder teknik som troligen inte stöds av din webbläsare som exempelvis Internet Explorer 11. Vissa saker kan se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.

Gå direkt till huvudinnehållet

Iska diiwaan gali rugta daryeelka caafimaadka

In la doorto in laga mid noqdo rug daryeel caafimaad waxaa ay macnaheedu tahay in aad si firfircooni leh u doorato rugta daryeelka caafimaadka ee aad ka tirsanaan doonto. Waxaa arinkaas loo yaqaana is diiwaan galin. In aad ku jirto liiska waxaa ay macnaheedu tahay in aad bixiso khidmad ka yar khidmada uu bukaanku sida caadiga ah bixiyo marka aad booqato rugta daryeelka caafimaadka.

Doorashad rugta daryeelka caaafimaadku waa mid shaqsi ah, sidaa darteed waax uu qof kasta oo ka tirsan xubnaha qoyska u baahanyahay in uu doorto rug daryeel caafimaad. Caruurta ay da’doodu ka yartahay 16 sanno jir waxaa u dooraya waalidka.

Haddii aad ka diiwaan galiso caruurtaada liiska rug daryeel caafimaad, waxaa ay caruurta da’doodu ka hooseyso 6 sanno si toos ah u galayaan liiska rugta daryeeka caafimaadka dhalaanka ee hoos timaada rugta daryeelka caafimaadka.

Is ldiiwaan galintu waxaa ay khuseysaa oo kaliya rugta daryeelak caafimaadka iyo rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka.

In la isticmaalo adeega elektarooniga ah ee 1177 Vårdguiden

Habka ugu dhakhsaha badan ee loo dooran karo rug daryeel caafimaad waa in la isticmaalo adeege elektarooniga ee 1177 Vårdguiden (1177 Vårdguidens e-tjänster). Fadlan guji  ”Dooro rug daryeel caafimaad” ("Välj vårdcentral"), si aad u doorato isla markaan u raacdo tilmaamaha si aad u dooratid rugta  daryeelka caafimaadka ee aad rabto in lagugu qoro. Diiwaan galintu waxaa ay dhaqan galeysaa maalinta xigta maalinta aad sameyso doorashadaada.

Dooro rug daryeel caafimaad

Dooro in foom guriga laguugu soo diro

Waxaa aad buuxin kartaa foom ku jira bogga internetka ee rugta daryeelka caafimaadka, waxaa dhowr maalmood gudahood laguugu soo diri doona guriga aad ku diiwaan gashantahay foom buuxsan oo diyaarsan. Waad saxeexi doontaa oo kaliya foomkaas, isla markaana waxaad dib ugu diri doonta rugta daryeelka caafimaadka.Diiwaan galintu waxaa ay hirgali doontaa maalinta xigta maalinta ay rugta daryeelka caafimaadku diiwaangaliso doorashadaada.

Rugta daryeelka caafimaadka

Waxaa aan ku faraxsanaan doonaa in aan kugu caawino rugta daryeelka caafimaadka. Fadlan booqo rugta daryeelka caafimaadka ee aad rabto isla markaana wargali in aad rabto in lagugu daro liiskooda. Fadlan samee arinkan ka hor inta aanad u baahan daryeel caafimaad, maadaama diiwaan galintu hirgasho ugu horey maalinta xigta marka aad smeyso dalabka.

Senast uppdaterad: 2017-11-09 15:43