Webbplatsen använder teknik som troligen inte stöds av din webbläsare som exempelvis Internet Explorer 11. Vissa saker kan se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.

Gå direkt till huvudinnehållet

Na soo booqo

Waxaa aad halkan ka heli kartaa macluumaad wax ku ool ah, kaas oo muhiim ah in aad ogaato marka aad na soo booqaneyso ama aad la soo xidhiidhayso qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Närhälsan.

Qabso balan

Waxaa aad ka qabsan kartaa balan qaybta aad ka tirsantahay adiga oo isticmaalaya telefoonkooda ama waxaad balanta toos uga qabsan kartaa qaybta adiga oo adeegsanaya boggooga internetka. Qaybaha qaarkood waxaa ay leeyihiin wakhti la soo booqan karo adiga oo aan wax balan ah qabsan. Bogga internet ee qaybta ayaad ka heli kartaa siyaabaha kala duwan ee aad balanta uga qabsan karto qaybta.

Waa in aad joojisaa wakhtiga balanta 24 saacadood ka hor wakhtiga balanta

Haddii aanad iman karin wakhtigii aad balanta laheyd waa in aad joojisaa balanta ugu danbeyn 24 saacadoo ka hor wakhtigii aad balanta laheyd. Fadlan la xidhiidh qaybta aad ka tirsantahay adiga oo adeegsanaya telefoon ama 1177 adeega elektaniiga ee Vårdguiden (1177 Vårdguidens e-tjänster).

Haddii aad ka maqnaato wakhti balan ah adiga oo aan cidna soo wargelin waxaa waajib kugu ah in bixiso khidam la mida ah tii aad bixin laheyd marka aad ku timaado booqashada. Haddii aad ka maqnaato i balan kuu qabsaneyd laakiin ay booqashadu ahed mid bilaa lacag ah waxaa aad bixin doontaa 100 karoon.

Kala xidhiidh adiga oo adeegsanaya adeega elektarooniga ah (e-tjänster)

Dhamaan qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Närhälsan waxaa ay ku xidhanyihiin 1177 adeega elektarooniga ee Vårdguiden, Waxaa aad halkaas si toos ah ugala xidhiidhi kartaa qaybta si aad u joojiso/bedesho wakhti balan ama rijeetada dawada laguugu cusbooneysiiyo. Qaybaha kala duwan waxaa ay bixiyaan adeegyo elektaroonig ah oo kala duwan. Adeegyada elektarooniga ah ee kala duwan waxaa aad ka kala heli kartaa boggaga internetka qaybaha kala duwan.

Waa in aad mar kasta soo qaadataa kaadhka aqoonsiga

Waa in aad mar kasta aad qaadataa kaadhka aqoonsiga marka aad booqaneyso qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Närhälsan. Hadaba si aan u siino daryeel caafimaad oo huban bukaan socodka waxaa muhiim ah in ogaano in bukaan socodka aan daaweyneyno uu yahay qofkii saxa ahaa. Waxaa aad isku cadeyn kartaa adiga oo isticmaalaya kaadhka aqoonsiga oo aan dhicin, kaadhka ruqsada ee lagu wadi karo baabuurta, baasaboor ama dukument aqoonsi oo kale.

Khidmada uu bixiyo bukaan socadku

Bukaan socodyada intooda badan waxaa ay u baahanyihiin in ay bixiyaan khidmad. Waxaa aan door bideynaa in aad khidmadaas ku bixiso kaadhka bangiga. Haddii aysan suurtogal kuu ahayn in aad kaadh ku bixin karto, waxaa aad ku bixin kartaa faktuuro ama lacag cadaan ah. Qofka ay da’diisu ka weyntahay 85 sanno jir waa u bilaa lacag dhamaan booqashooyinka oo dhan.

Haddii aad haysato kaadhka xadida khidmada uu bixiyo bukaanku (högkostnadskort)? Ha iloobin in aad soo qaadato kulnka xiga ee aad na booqaneyso.

Senast uppdaterad: 2017-11-09 15:39