Webbplatsen använder teknik som troligen inte stöds av din webbläsare som exempelvis Internet Explorer 11. Vissa saker kan se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.

Gå direkt till huvudinnehållet

Rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka (Barnavårdscentral)

In aad yeelato caruur waxaa ay macnaheedu tahay isbedel aad u weyn oo ku yimaada noloshaada. Rugta dayeelka caafimaadka ee dhalaanka waxaa aan kula soconaa koriinka ilmahaaga iyo in aan ku siino talo iyo kaalmo ku saabsan waalidnimadaada. Waad na weydiin kartaa wax kasta tusaale ahaan haddii aad wax walwal ah ka qabto xaalada caafimaad ee ilmahaaga ama siddii aad ka yeelii lahayad haddii ay kula soo darsaan dhibaatooyinka kala duawan ee nolol maalmeedka.

 

Rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka (BVC) waxa aad ka heli kartiin:

Baadhitaano caafimaad (oo jidheed, maskaxeed iyo kobcinta xagga arimaha bulshada)

  • Talaalo
  • Talo bixino ku saaban naas nuujinta
  • Talo bixino ku saaban xagga raashinka/cuntada
  • Talo bixino ku saaban xagga hurdada
  • Taageeru ku wajahan kaalinta waalidnimo

Marka uu ilmahaagu dhasho ka dib waxaa aad xidhiidh la doontaa rugta daryeelka dhalaanka si aad uga qabsato balan aad ku booqato. Rugta daryeelak caaafimaadka dhalaanka waxaa ku maartiqaadaa dhamaan waalidiinta cusub in ay ku booqdaan gurigga.

Dhamaan booqashooyinka rugta daryeelaka caafimaadka dhalaanku waa kuwo bilaa lacag ah. Rugta daryeelka caafimaadka dhalaanku waa qayb ka mid ah rugta guud ee daryeelka caafimaad, dhamaan caruurta oo dhan waxaaa ya ku jiraana liiska meeshaas. Haddii uu ilmuhu jirado/bukoodo ama uu dhaawac soo gaadho waxaa aad marka ugu horeysa booqaneysaa rugta guud ee daryeelka caafimaadka.

Ma rabtaa in aad la kulanto waalidiinta kale ee cusub si aad xidhiidh ual sameyso? Fadlan ka qayb qaado hawlaha kooxaha waalidiinta.

 

Rugta daryeela caafimaadka dhalaanka BVC waxaa hawl gala kalkaalisooyin caafimaad iyo dhakhaatiir aqoon gaar ah uleh caafimaadka caruurta iyo koriinkooda.

 

doorashada rugta dayeela caafimaadk dhalaanka

Senast uppdaterad: 2017-11-09 15:15