Webbplatsen använder teknik som troligen inte stöds av din webbläsare som exempelvis Internet Explorer 11. Vissa saker kan se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.

Gå direkt till huvudinnehållet

Rugta daryeelka caafimaadka (Vårdcentral)

Haddii aad jirato/bukooto, dhaawac ku soogaadho ama aad dareemisid in aanad in aanad masakaxiyan caafimaad qabim waxaa aad marka ugu horeysa jaleecaysaa rugta daryeelka caafimaadka. Rugaha daryeelka caafimaadku waxaa ay kaa caawin doonaan in caafimaado, waxa ay sidoo kale kaa kaalmeyn doonaan in aad ku noolaato hab nololeed caafimaad qaba.

Rugta daryeelak caafimaadku waxaa ka heli kartaa caawimaad tusaale ahaan marka:

  • Uu kugu dhaco infakshan (qufac muddo dheer ku hayey, qandho/xumad, cabudh, cune xanuun ama dhibaato kaala soo daristo xubnha kaadi mareenka)
  • Neef ku qabato iyo xunuunka feedhaha ee aan laga bogsan (KOL)
  • Dhib kaala soo darsa caloosha-iyo midhicirada
  • Dhiig kar iyo waliba cudurrada wadnaha iyo xubnha dhiiga qaada
  • Dhibaatooyinka xagga maqaarka iyo naburada
  • Cudurada maanka/maskaxda
  • Xasaasiyada
  • Macaanka
  • Xasuus darada iyo asaasaqa
  • Cudurrada ku dhaca xubinaha taranka ee haeenka
  • Talaalada

Rugta daryeelka caafimaadka waxaa aad kula kulmi doontaa kooxo loo carbiyey hawlaha ay qabanayaan oo ka kooban dhkhaatiir, kalkaalisooyinka caafimaadka ee degmada, kaalkaalisooyin, isku duwuyaasha baxnaanada iyo shaqaale kale oo ka dabiiba cudurada maanka/maxskaxda.

Dhamaan rugaha daryeelka caafimaadku waxaa ay leeyihiin bogg internetka oo gaar u ah.

Caafimaad iyo daryeel ayaa labadaba laga heli karaa hali karaa isal hal rug oo kaliya

Hal rug daryeel caafimaad ayaa ka shaqeysa daryeel iyo caafimaad labadaba. Waxaa aad tusaale ahaan halkan ka heli kartaa waxyaabaha ay rugta daryeelak caafimaadku kaa caawin karto.

Neefta iyo cudurka sku dhaca sambabada ee aan laga bogsan (KOL)

Ma dareemeysaa si kale marka aad neefsaneyso isla markaana ma heshaa hawo aan kugu filleyn? Marka aad dhibaato kala kulanto neefsashada, cudurka neefta ama cudurka sku dhaca sambabada ee aan laga bogsan (KOL) waxaa aad iman kartaa rugta daryeelak caafimaadka. Waxaa aan hubin doonaa awooda sambabadaada, waan ku daweyn doonaa isla markaana waxaan daba socon doonaa dhibaatada kaa haysata xagga neefsashada.

Waan aan ognahay in ay adagtahay in cabida sigaarka la iska dhaafo, waxaa sidoo kale aan ognahay inta ay dhanaan karto faa’iida ku jirta in aad iska joojiso cabitaanka sigaark. Fadlan nagala hadal anaka arimahaasi si aan kuu siino talo bixin iyo kaalmo labadaba.

 Dhiig kar iyo cudurrada ku dhaca wadnaha- iyo xubnha dhiiga qaada

Haddii aad rabto in aad cabirto cadaadiska dhiigaaga, waxaad iman kartaa oo aad ku sameyn kartaa rugtayada. Haddii aad qabto dhiig kar waxaa dhici karta in mararka qaarkood loo baahdo daawo si loo dajiyo dhiigga Waxaa sidoo kale aan ku siin doonaa talooyin ku saabsan sida aad adigu saameyn ugu yeelan karto cadaadiska dhiigaaga adiga oo badalaya habka aad u nooshahay.

Asaasaqa/iloowshaha

Qofka dareema in xasuustiisu ay sii darsatey ama ay kugu adagtahay in aad fahamto bey’ada kugu xeersan, waxaa aan ku soo dhaweyneynaa in aan kuugu yeedhno baadhitaan iyo dabiib. Waad nala soo xidhiidhi kartaa dabcan haddii aad qaraabo tahay.

Macaanka

Haddii aad qabto ama aad ka shakisantahay in aad qabto macaan, waad nala soo xidhiidhi kartaa. Haddii aad la tabaaleysan cudurka macaanka waxaa aan kaa caawin karnaa daaweytaada. Waxaa rugtayada ku samyn kartaa in aad ku cabirto cadadka sonkorta ee ku jirta dhiigaaga, waxaa aad ka heli kartaa talo bixino ku saabsan jimicsiga iyo waliba siddii aad sida ugu fiican ugu maareyn lahay macaankaaga.

Caafimaadka maanka/maskaxda

Ma dareemeysaa niyad jab, kurbo ama welwel, kuwaas oo saameyn ku yeelnaya sida aad nooshahay? Ma kugu adagtahay muddo dheer in aad seexato habeenkii? Fadlan nala soo xidhiidh si aan kuu siino tilmaamo iyo kaalmo. Waxaa uu noqon karaa in aad bedesho dabeecadaha caqabada ku ah noloshaada, ama in aad fahamto dareenadaad isla markaana aad awood u yeelato in aad maareyso.

Talaalda

Ma qorsheyneysaa in aad u safarto wadanka dibadiisa? Ama ma rabtaa in aad iska talaasho hargab xiliyeedka? Rugta daryeelka caafimaadka ee Närhälsan waxaa aad ka heli kartaa talaalada sida badan caadiga ah, tusaale talaalka ka hortaga TBE, cagaarshowga/jooniska A-da iyo B-da, teetanada iyo qaar kale oo ka mid ah talaalada la qaato marka wadanka dibadiisa loo safrayo. Fadlan la xidhiidh rugta daryeela caafimaadka ee aad ka tirsantahay si aad u hesho talo bixin isla markaana uga qabsato balan.

Rugta daryeelak caafimaadka dhalaanka

Rugta dareyeelka caafimaadka waxaa xitaa hoos yimaada oo ka tirsan rugata daryeelka caafimaadka dhalaanka, kaas oo la socda koriinka ilmahaaga isla markaana bixiya talooyin iyo kaalmo la xidhiidha waalidnimadaada.

Rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka wuxuu leeyahay bogga internetka oo gaar u ah.

Senast uppdaterad: 2017-11-09 15:12