Webbplatsen använder teknik som troligen inte stöds av din webbläsare som exempelvis Internet Explorer 11. Vissa saker kan se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.

Gå direkt till huvudinnehållet

Qalabka hawl fududeynta

Si laguugu sahlo hawlaha nolol maalmeedkaaga waxaa dhici karta in qalabka hawl fududeynta oo shaqsiyan kugu haboon uu qayb ka noqdo baxnaanintaada iyo dabiibkaaga. Qalabak hawl fududeyntu waxaa ay wanaajisaa, kabtaa xubanaha hawshii ay qaban lahaayeen gabey, ama waxaa ay dhowraan hawlaha ay xubnahaasi qabtaan ilaa inta ay suurogal tahay amaba waxaa ay ka hortagaan in xubnahaasi baaba’aan.

Ka dib marka lagu sameeyo qiimeyn baahida aad qabto waxaa dhici karta in laguu qoro qalbka hawl fududeynta, kuwaas oo aad isticmaali doonto muddo dheer ama mudo kooban.

Qalabka hawl fududeynt ee halaaba/xumaada/jaba

Haddii qalabkaaga hawl fududeytu ka jabo/halaabo ama ay halis kaa soo gaadheyso isticmaalkiisa waxaa haboon in aad sida ugu dhakhsaha badan ula xidhiidho xarunta dhexe ee qalabka hawl fududeynta lambarka telefoonka 010 - 473 80 80 ama qaybta baxnaanada ee ku taala Närhälsan. Haddii aad shil gasho marka aad isticmaalayso qalabka hawl fududeynta, waxaa haboon in aad la xidhiidho qaybta baxnaanada ee ku siiyey qalabka hawl fududeynta ee aad isticmaasho, si baadhitaan loogu sameeyo sida uu shilku u dhacey.

Senast uppdaterad: 2017-11-09 15:18