Webbplatsen använder teknik som troligen inte stöds av din webbläsare som exempelvis Internet Explorer 11. Vissa saker kan se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.

Gå direkt till huvudinnehållet

Qaybta baxnaaninta (Rehabmottagning)

Nolol firfircooni iyo dhaq-dhaqaaq badan leh

Waxaa jira sababo badan oo kala duwan oo keeni kara in aad dareento xanuun iyo xadidaad; waxaa kuwaas ka mid ah dhaawac aad ku dhalatey, dhaawac kugu soo gaadhey isboorti, kurbo, qaliin, dhiig madaxa kaaga furma, dhaawac kaa gaadha gacanta, jilbo xanuun ama xanuun ama muddu dheer ku hayey. Haddii aad rabto in aad ku noolaato nolol firfircoon iyo haddii aad rabto in aad nolol u maareyso sidaa si ka fiican waxaa aan kugu soo dhaweyneynaa mid ka mid ah qaybahayaga aan dadka ku baxnaaneyno.

Uma baahnid in cid kale noo kaa soo dirto ama aad wax liis ah ku jirto si aad balan uga qabsato kalkaalisada xagga jimicsiga ama kalkaalisada qalabka hawl fududeynynta.

maalmeedka si fiican u maareo

Nolol maalmeed caadi ah

Ma kugu adagtahay in aad maareyso nolol maalmeedkaaga, shaqadaada, ama wakhtiyada aad firaaqada tahay? Kalaalisadayada xagga qalabka hawl fududeynta ayaa kaa caawin doonta in dhibkaaga xal loo helo isla markaana aad u hesho nololmaalmeed si caadi ah u shaqeysa iyo nolol firfircoon oo macquul ah.

Waxaa aan si wadajir sameyn doonaa qorshe baxnaano oo adiga kugu hanoon iyo jimicsi/tabobar firfircooni leh. Waxaa ay noqon kartaa

  • Siddii aad u heli lahayd qaab-dhismeed wanaagsan iyo isku-dheellitirnaanta nolol-maalmeedkaaga
  • tabobar xubinta kalagoyska iyo gacanta
  • tabobar xagga xasuusta ah, u dhugashada iyo xalinta mas’alooyinka
  • Sidii gurigaa looga dhigi lahaa mid kugu haboon, si ay nolol maalmeedkaagu kuugu sahlanaato.
  • Talo bixino ku saabsan qaabeynta jidhka (ergonomisk) iyo farsamooyin kale si aad jidhkaaga ugu isticmaasho qaab sax ah.

 

Qalabka hawl fududeynta

Mararka qaarkood kuma filna oo kaliya rabitaan iyo jimicsi la sameeyo. Waxaa markaa ay kalkaaIisada xagga qalabka hawl fududeyntu kaa caawin kartaa in aad tijaabiso shaqsiyan qalab hawl fududeyneed oo kuu sahla nolol maalmeedkaaga.

Yaree xanuunka isla markaana yeelo xoog

Kalkaalisooyinkayaga xagga jimicsiga waxaa ay ku siin doonaan qorshe baxnaano oo shaqsiyan kugu haboon, kaas oo wata jimicsi/tabobar hawlo kale oo kaa caawin doona in aad dareento wanaag, wuxuu kaa dhigi doonaa mid xoog badan, wuxuu isla markaa gacan ka geysan doonaa in aad ku noolaato nolol firfircoon.

Dabiibka ay kalkaalisada xagga jimicsiga ku siinayaan waxaa ay tusaale ahaan kaa caawin doonaan waxyaabahan:

  • Xanuunka kaa hayata qoorta, garabaha, dhabarka
  • Xubnaha qalafsan iyo murqaha isku cufan
  • Dhaawacyada kaa soo gaadha jimicsiga iyo isboortiga
  • Cudurada neerfaha

Walwalka iyo kurbadu waxaa ay jidhka ku keeni karaan xanuun. Waxaa markaa ku caawin hababka loo maareeyo kurbada iyo laylisyada kuu sahlaya in aad is dabciso.

Baahida aad qabto ayaa go'aaminaya nooca dabiibka iyo jimicsiga ee sida ugu fiican kuugu haboon; haddii aad kaligaa sameyneysid iyo haddii aad koox la samayneysid, aad ku smeyneysid gurigga ama anaka nala sameyso.

Liska dhamaan qaybaha baxnaanada (liiska A-Ö)

Cudurada neerfaha ama dhaawaca

Qaybta baxnaanada ee ka tirsan Närhälsab, waxaa ka heli kara caawimaad qofka qaba cudurada neerfayaasha ama dhaawac. Waxaa uu noqon karaa cudur muddo dheer ku hayey ama aad u baahantahay in laguu sii wado baxnaanada xanuunka ka dib.

Waxaa tusaale ahaan aya noqon kartaa dhibaatooyin la xidhiidha;

  • Marka madax dhiig ku furmo
  • Dhaawac soo gaadha lafta madaxa
  • MS (Multipel skleros)
  • Cudurka Parkinsonka s
  • ALS
  • Murqaha oo isku soo koga ama yaraada (muskeldystrofier)

Waxaa aan si wadajir ah u dajin doon qorshe baxnaano oo shaqsiyan kugu haboon iyo hadaf adiga kuu gaar ah.

Kooxda daryeelak cudurada neerfaha

Qaar ka mid ah rugaha baxnaanada ee ku yaala Närhälsans waxaa waliba ka jira kooxo loogu talogaley daryeelak cuudrada naarfaha. Dadka ka shaqeeya kooxda daryeelka cudurada neerfaha waa kalaalisooyinka qalabka hawl fududeynta (arbetsterapeut), kaalkaalisooyinka jimicsiga (fysioterapeut/sjukgymnast) iyo kuwa hadalka (logoped) kuwaas oo waayo aragnimo qoto dheer u leh cudurada neerfaha.

Adiga ama qof kuu dhow ayaa si toos ah ula xidhiidhi kara qaybta baxnaanada ee ay joogaan kooxda daryeelka cudurada neefaha si ay u sameeyaan qiimeyn. Ma jirto wax shuruuda ah oo ku xindho in cid kale noo kaa soo dirto.

Qaybaha baxnaanada ee aj joogaan kooxda daryeelka cudurada neerfaha

Senast uppdaterad: 2017-11-09 15:17