Webbplatsen använder teknik som troligen inte stöds av din webbläsare som exempelvis Internet Explorer 11. Vissa saker kan se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.

Gå direkt till huvudinnehållet

Ku saabsan Närhälsan

Närhälsan waa rugta dayeelka caafimaadka aasaasiga ah ee ugu weyn wadanka Iswiidhan. Waxaa aan ka jirnaa boqolaal goobood oo ku kala yaala guud ahaan gobolka galbeedka Götalanad (Västra Göteland), faa’iidada aan helno waa kaliya in aad hesho nolosha ugu macquulsan ee uu caafimaad iyo wanaag ku jiro.

Närhälsan waa magaca loo yaqaano rugaha daryeelka caafimaa guud ee ku yaala  gobolka  galbeedka Göteland (Västra Götalandsregionen). Marka uu qof jirado/bukoodo ama uu dhaawac soo gaadho anaga ayuu nala soo xidhiidhi doonaa marka ugu horeysa . Rugta Närhälsna waxaa aad ka heli doontaa daryeel caafimaad oo wanaagsan, isla markaana ah mid huban inta aad nooshahay oo dhan.

Waxaa aan ka koobanahay 5450 oo shaqaale ah oo ka kala shaqeeya qaybaha kala duwan ee aan ka koobanahay, kuwaas oo leh konton xirfadood oo kala duwan:

  • Rugta daryeelka caafimaadka
  • Rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka
  • Rugta baxnaadada
  • Qaybta talo bixinta daryeelka caafimaadka

Cilmi baadhista iyo horumarka aan sameyno waxa ay mar kasta qayb ka qaataan in aan marba marka ka danbeysa sii wanaajino adeega aan u qabano bukaan socodka iyo macaamiishayada.

Senast uppdaterad: 2022-03-08 15:40