Webbplatsen använder teknik som troligen inte stöds av din webbläsare som exempelvis Internet Explorer 11. Vissa saker kan se konstiga ut eller inte fungera. Vi rekommenderar att du byter till en modern webbläsare istället.

Gå direkt till huvudinnehållet

Fikradaha/aragtiyada la xidhiidh daryeelka caafimaadka

Waxaa aan jeclaan lahayn in aan ogaano sida aad ka bukaan ahaan ama qaraabo ahaan aad u aragto daryeelka caafimaadka ee aad heshey. Fikradahaagu/aragtiyadaadu ama dacwadaadu aad bey muhiim noogu tahay, sidaa darteed naga caawi si aan u wanaajino hawlaha aan qabano.

Waxaa mararka qaarkood soo baxa dhibaato ama saluug ama qanac la’aan, waxaa aan markaa isku deynaa in ogaano waxa sababey isla markaan u xlino sida ugu haboon.

Haddii ay dhacdo in aad wax saluugto waxaa fiican in marka ugu horeysa aad la xidhiidho qofka shaqaalaha ama madaxa qaybta ee uu arinkaasi khuseeyo. Macluumaadka lagala xidhiidho karo waxa aad ka heli kartaa bogga internetka ee rug kastaa gaar u leedahay.

IVO (Kormeerayaasha daryeelka caafimaadka iyo xanaanada)

IVO (Inspektionen för vård och omsorg)

Haddii aad dareento in ay wax kugu dhaceen, ama aad halis u tahay in uu ku soo gaadho dhaawac la xidhiidha daryeel caafimaad, waxaa aad la xidhiidhi kartaa IVO (kormeerayaasha daryeelka caafimaadka iyo xanaanada), waxaanad u gudbineysaa macluumaad ama dacwada aad qabto.

Kormeerayaasha daryeelka caafimaadka iyo xanaanada (IVO) waxaa ay hubiyaan in la xaliyo ama la saxo ciladaha iyo hab dhaqanka xun ee la xidhiidha daryeelka caafimaadka.

Senast uppdaterad: 2023-01-04 11:06