Varning!
Just nu pågår bedrägeriförsök mot patienter där personen som ringer påstår sig ringa från vårdcentralen. Vi ber aldrig patienter logga in med Bank-ID eller dylikt över telefon. Avbryt samtalet omedelbart om du blir ombedd att göra detta.
Markaa aad noqoto bukaan socod waxaa dhamaan daryeelada caafimaad ee lagu fidiyey lagu qoraal qoraalka bukaanka (patientjournal). Qoraalka bukaanku waa qoraal lagu faahfaahinayo daryeelka iyo daaweynta aad heshey. Waxaaa tusaale ahaan qoraalka lagaa qorey ka koobnaan karaa taariikhda jirooyinkaaga, natiijayoonka baadhitaanada lagugu sameeyey iyo daawooyinka aad qaadato. Waxaa aad xaq u leedahay in aad qayb ka qaadato waxyaabaha ku qoran qoraalkaas.
Haddii aad ku gasho lambarkaaga qarsoon bogga 1177 adeega elektarooniga ee Vårdguiden waxaa aad akhrisan kartaa dhamaan macluumaadka ku qoran qoraalkaas ee laga qorey daryeelkaaga caafimaad laga soo bilaabo 1-da bisha nofambar 2016-ka.
Qaar ka mid ah qaybaha daryeelka caafimaadku waxaa ay bixiyaan adeeg kuu suurto galinaya in aad dalban karto koobiga qoraalka bukaanka (patientjournalen) adiga oo adeegsanaya adeega elektarooniga 1177 ee Vårdguiden. Raadi rugta aad ka tirsantahay. Meesha ka hooseysa adeega elektarooniga ee 1177 Vårdguiden waxaad riixi kartaa Dalbo koobiga qoraalka bukaanka (Patientjournalen). Haddii aanad arki karin linkiga, markaa waxaa taas ay macnaheedu tahay in rugta aad ka tirsantahay ayna kugu marti qaadi karin in aad sidan oo kale u dalbato koobiga qoraalkaaga (Patientjournalen). Waxaa aad markaa u dalban kartaa siyaabahan kale oo aan hoos ku sharxi doono.
Waxaa aad sidoo kale u dalban kartaa koobiga qoraalkaaga adiga oo buuxinaya foom gaar ah isla markaana u diraya rugta aad ka tirsantahay ee aad ka dalbaneyso in ay kuu soo diraan koobiga qoraalkaada. Waa la wici karaa xitaa ama waxaa aad sameyn kartaa dalabkaaga adiga oo booqanaya rugta aad ka tirsantahay.